Rw Kheyre Oo Dhalinyarada Magaalada Kismaayo Ku Booriyey Inay Ka Qeyb Qaataan Hormarka Dalka Iyo Sugida Amnigiisa

Xasan Cali Khayre Rw Dalka  Ayaa Dhallinyarada Kismaayo Uu Kulanka La Yeeshay U Sheegay In Dawladdu Ay Dib-U-Habayn Ballaaran Ku Wado Dhaqaalaha, Ciidanka Qaranka, Siyaasadda Iyo Horuamrinta Arrimaha Bulshada Si Loogu Guulayso Himilada Ummadda Soomaaliyeed, Loona Jeexo Waddadii Horumarka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre Ayaa Sheegay In Sugidda Amniga Ay Ku Xirantahay Hagaajinta Dhaqaalaha, Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Isaga Oo Intaa Raaciyay In Shaqo La’aanta Dhalinyarada, Musuqa, Qabyaaladda, Nin Jeclaysiga Ay Qayb Ka Qaadanayaan Amni Darrada, Loona Baahanyahay In Laga Wada Shaqeeyo Hannaankii Wax Looga Qaban Lahaa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Weli Uusan Dhamaan Dagaalka Dowladda Kula Jirto Ururka Al-Shabaab, Hayeeshee Dagaalkaas Uusan Aheyn Mid Hadda La Dareemayo.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *