Dowladda oo aan weli shaacin mas’uulka xilka kala wareegaya Taliyaha guud ee booliska

In kastoo uu dhammaaday muddo xileedkii abaanduulaha booliska dalka Mr. Joseph Boinnet oo afar sano jagadaasi hayay haddana weli dowladda ma aynan shaacin qofka beddelaya.
Golaha qaran ee arrimaha amniga ayaa ka baaraandegaya cidii si ku meel gaar ah u sii hayn lahayd xilka uu banneynayo Boinnet ka hor inta aanan si rasmi ah loo magacaabin taliye kale.
Waxay wararku intaasi ku darayaan inuu jiro sarkaal la soo jeediyay inuu noqo taliyaha guud ee booliska in kastoo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uunan weli ansaxin.
Mr. Boinnet ayay qaar ka mid ah dadka ka faalooda arrimaha amniga ku ammaaneen inuu kaalin muhiim ah ka qaatay inay hoos u dhacaan weeraradii argagixiso.
Sido kale waxaa uu waaxda booliska ku soo kordhiyay in si weyn loo isticmaalo tiknolojiyadda

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *