Waaxda dambi baarista oo qiimeynaysa jawaabo uu bixiyay wasiirka maaliyadda

Sarakiisha waaxda dambi baarista e dalka ayaa maanta guda galaya inay si qoto dheer u eegaan jawaabo uu labadii maalmood ee la soo dhaafay bixinayya wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Henry Rotich.
Waxaa sido kale su’aalo la weydiiyay mas’uuliyiinta in ka badan 70 shirkadood oo la sheegay inuu ganacsi kala dhexeyo shirkadda laga leeyahay Talyaaniga ee la siiyay qandaraaska ay gobolka Rift Valley uga dhiseyo labo biyo xireen.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Mr. George Kinoti ayaa sheegay inaan ilaa iyo hadda go’aan laga soo saarin cidda la doonayo in dacwad lagu soo oogo.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay wadanka ka jirtay hadal hayn ku aaddan in ka badan 20 bilyan oo shilin oo la sheegay in dowladdu ay siisay shirkadda Talyaaniga.
Muranka siyaasadeed ayaa waxaa sare u sii qaaday hadalkii ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ahaa in dowladdu ay bixisay qiyaastii 7 bilyan oo keliya.
Wasiirka maaliyadda ayaa xarunta dhexe ee dambi baarista ka soo tagay wax yar ka hor 9-kii fiidnimo ee xalay kaddib markii saacado badan maalinkii labaad la wareysanayay.
Qareenkiisa Mr. Katwa Kigen ayaa warfidiyeenka u sheegay in wasiirku uu ka jawaabay dhammaan su’aalihii la hor dhigay.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ee dalka Mr. George Kinoti ayaa sheegay inay bayaan soo saarayaan kaddib marka ay baaritaanada gabagabeyaan.
Tallaabada laga qaadi doono Mr. Rotich ayuu hoosta ka xariiqay inay tahay mid lagu saleynayo caddeymaha ka soo baxa baaritaanada.
Mr. Kinoti ayaa intaasi ku daray in baaritaanada ay si habsami leh u socdaan oo ayna eegayaan qodob kasta oo ay Kenyaanka daneynayaan.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Rift Valley ayaa dowladda ugu baaqay inay tallaabo adag ka qaaddo cid waliba oo lala xariiriyay fadeexadda la sheegay inay dowladu ku bixisay 21 bilyan oo shilin.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka maaliyadda uu sheegay in dowladdu ay bixisay 12 bilyan oo shilin in kastoo ay jireen warar sheegaya in fadeexaddan lagu lumiyay 63 bilyan oo shilin.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *