Warbixin ku saabsan waxbarashada oo baarlamaanka Kenya loo gudbiyay

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa warbixin ay u gudbisay baarlamaanka ku sheegtay in sannadkan arday badan ay ku biireen dugsiyada sare halka buugaag badan lagu wareejiyay dugsiyada hoose dhexe.
Warbixintan ayaa ka kooban 24 bog waxaana lagu xusay in wasaaraddu ay ku tallaaba qaadday arrimo la xariira dhaqangelinta manhajka cusub ee waxbarasho, qeybinta buugaagta ay ardayda ka akhristaan casharrada iyo hannaanka lagu maareeyo macluumaadka tacliinta ee NEMIS ee la soo bandhigay.
Sannadkii hore waxaa imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da sameeyay arday kor u dhaafaya hal milyan iyadoo ilaa iyo hadda 931,148 oo ka mid ah ay ku biireen dugsiyada sare.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta Dr. Belio Kipsang ayaa arrimahan faahfaahin ka siiyay guddiga uu hoggaamiyo xildhibaanka deegaanka Tinderet Julius Melly .
Dr. Kipsang ayaa hoosta ka xariiqay in tirada ardayda ee u gudbay dugsiyada sare ay tahay boqolkiiba 93 in kastoo sannadihii la soo dhaafay ay ka hooseysay boqolkiiba 80.
Xoghayaha ayaa xildhibaanada u sheegay in dugsiyada hoose dhexe ee dalka la gaarsiiyay 36 milyan oo buugaag ah.
Waxaa warbixinta ku xusan in la haleelay hiigsigii ahaa in arday kasta uu haysto buug uu casharada ka raacan karo.
Sido kale arday dhan 2.6 milyan oo wax ka barta dugsiyada sare ee dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaa lagu diiwaangeliyay nidaamka casriga ah ee NEMIS.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *