Jubbaland Oo Amaro Ku Soo Rogtay Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha

Golaha Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saarey qodobo laamaha amniga ee Jubbaland lagu farayo sugidda Amaanka, sidoo kalena Musharaxiinta u taagan doorashada xilka madaxweynaha Maamulkaas looga digayo inay abuuraan wax kasta oo khalkhal amni horseedi kara.

Dowladda Jubbaland ayaa cadeysey in Musharax kasta Amnigiisa ay sugayaan ciidamada amaanka Jubbaland lana ogolaan doonin in musharaxiintu ilaalo gaar ah sameystaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen Ayaa Warbaahinta Uga Warbixiyay Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Magaalada Kismaayo Ay Ku Yeesheen  Golaha Amniga Jubbaland.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *