Baarlamanka Puntland Oo Maanta Cod Kalsooni Ah U Qaadaya Xukuumadda Cusub

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahideni, Ayaa Xukuumadda Cusub Ee  Uu Soo Dhisay Sabtida Maanta Horgeynayaa, Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Si Ay Xasaanadda U Siiyaan.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada, Ayaa  Wadar Ahaan  Codka Kalsoonida Ugu Qaadaya Xukuumadda Cusub, Kadib Markii La Hor Geeyo, Si Ay U Ansixiyaan Ama U Diidaan.

Golaha Wasiirada Ayaa Ka Kooban 48 Xubnood Oo Isugu’ Jira Wasiiro, Wasiiro-Ku Xigeenno Iyo Wasiiru-Dowlayaal, Waxaana La Filayaa In Ay Codka Kalsoonida Helaan, Maadaama Ay Badanyihiin Xildhibaannada Taageersan.

Hase Yeeshee, Waxaa Jira Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamanka Oo Dhaliilsan,  Habka Dheelli-Tirka Awood-Qeybsiga Beelaha Ee Xukuumadda Cusub, Kuwaaso Oo Diiddan In La Ansixiyo.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *