Kenyaanka oo ka walacsan weerarada dhanka intarneetka

Darasaad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shacabka kenyaanka ah badankoodu ay ka cabsi qabaan in weerarada dhinaca intarneetka ay mustaqbalka saameyn ku yeeshaan doorashooyinka sido kalena halis geliyaan xasiloonida guud ee dalka.
Cilmi baaristan oo ay sameysay shirkadda fadhigeedu yahay Maraykanka ee Pew Research ayaa muujinaysa in dhacdooyinkan ay sara u qaadi karaan faragelinta doorasshooyinka.
Boqolkiba 73 ee Kenyaanka la wareystay ayaa sheegay inay rumeysanyihiin in xogta qaran ee xasaasiga ah lagu gudbin karo qaab aanan habboonayn oo online ah.
Boqolkiba 72 ee dadka ayaa aaminsan in weerarada noocan oo kale ah ay horseedayaan faragelin lagu sameeyo codeynta.
Darasaadkan ayaa laga sameeyay ilaa iyo 26 wadan oo caalamka ku yaalla iyadoo boqolkiba 68 ee kenyaanka ay sheegeen inay suurtagal tahay in burcadda geysata weerarada intarneetka ay dhaawici karaan kaabayaasha isgaarsiinta.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *