Ciidamo ka tirsan Puntland oo Qarax Miino lagula eegtay Buuraleyda Galgala

Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Puntland ayaa ku dhintay Saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qarax Miino lagula eegtay halka loo yaqaano Bali Qadar oo ku taalla Buuraleyda Galgala.

Ciidankan la weeraray ayaa ku jiray hawlgal ka dhan ah Mintidiinta Al Shabaab iyo kooxda yar ee Daacish.

Saddexda Askari ee weerarkan ku dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka Magaalada Boosaaso, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Dhinaca kale koox hubeysan ayaa gaari shacab ay saarnaayeen waxa ay ku rasaaseeyeen meel 55-KM ujirta magaalada Boosaaso.

Waxaa la soo wariyay in weerarkan uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa sheegay inay ku daba jiraan kooxihii labadan weerar ka dambeeyay, islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono.

SOURCE: Dhacdo

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *