Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay waajib tahay xoojin wadaniyada

Madaxweynaha Jamuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan la qaatay fanaaniinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Horseed ayaa ku Amaanay sugaanta wadaniyada ay kaga hadlaan ee dadka Soomalaiyeed lagu dhiira galiyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay yihiin dad wax lagu fahansiin karo dhanka sugaanta sidaas darteedna loo baahan yahay in lagu dhiira galiyo wadaniyada iyo dal jacaylka.
Madaxweynaha Jamuuriyada Fadaraalka Soomaaliya waxa uu ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kaalinta ay ka qaadan karaan Fanaaniinta qaranka Soomaliyeed
Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ayaa fanaaniinta kooxda horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka Faray inay wacigalin ka bilaabaan degmooyinka iyo xurumaha Hore ee dagaalka dowladunay ay ku dadaalayso sidii ay u garab istaagi lahayd.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *