Madaxweynaha Kenyatta oo siyaasiyiinta ugu baaqay inay wadashaqeyaan

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa madaxa siyaasadeed kula taliyay inay dhinac isaga dhigaan kala duwanaanshaha dhanka afkaarta ee u dhexeya oo ay diiradda saaraan wax u qabashada shacabka.
Waxaa uu si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaamiyaha garabka mucaaradka Nasa , Raila Odinga oo uu sheegay inuu danta kenyaanka ka hor mariyay hamigiisa siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in hadii siyaasiyiinta ay midnimo muujiyaan ay ku dayasho wanaagsan u noqonayaan dadweynaha soo doortay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda dhammaan hadii ay xoogga saaraan oo ay ka wada shaqeyaan xal u helidda dhibaatooyinka shacabka haysta laga gudbi karo isqabqabsiga soo noqnoqdo.
Sido kale madaxweynaha ayaa dhaliilay siyaasiyiinta uu ka midka yahay xildhibaanka degaanka koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Mosed Kuria oo ku eedeyay in gobolka bartamaha dalka uu ku gacan bidixeeyay dhanka horumarka.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku dhuftay inay ka go’antahay sidii uu ugu adeegi lahaa dhammaan bulshooyinka wadanka ku nool cid walibana horumar loo gaarsiin lahaa

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *