Madaxa Bangiga Adduunka oo iscasilaya

Hoggaamiyaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa si lama filaan ah u shaaciyay inuu iska casilayo xilkaasi kadib muddo lix sanadood ah oo uu hayay.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Is casilaadiisa ay dhaqan galaysaa 1-da bisha labaad ee Febaraayo ee sannadkan.
Mr Kim, oo 59 sano jir ah ayay ahayd in uu xilkaasi sii hayo tan iyo sanadda 2022-ka, kadib markii mar labaad dib loogu doortay in uu hogaamiyo Bangiga Adduunka sanadkii 2017-kii.
Mr Kim ayaa warbixinta ku sheegay inay sharaf weyn u ahayd inuu madax ka noqdo bangiga adduunka in kastoo uunan faahfaahin sababta keentay inuu xilkaasi banneeyo.
Bangiga Aduunka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabi doonaan qaabkii ay u soo magacaabi lahaayeen qofkii bedeli laahaa Kim.
Kristalina Georgieva oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Bangiga Aduunka, ayaa si ku meel gaar ah u sii hayn doonto booska uu iska casilaya Jim Yong Kim.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *