Dowlada Maraykanka oo faahfaahisay duqaymo ay ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa faahfaahin looga bixiyay howlgal Al-shabaab ka dhan ahaan oo 6-dii bishan ka dhacay deegaano katirsan Koonfurta dalka Soomaaliya.
Warkaan ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay bartilmaameedsadeen degaanka lagu magacaabo Dheerow Sanle oo ka tirsan gobolka shabeelada Hoose ee dalka Soomaaliya.
Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalkaasu intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee dalka Mareykanka.
Lix ka tirsan xooggaga Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab sida ay sheegeen ciidamada maraykanka.
Taliska ciidamada Mareykanka ee jooga Qaarada Africa ee magacoda loo soo gaabiyo Africom waxay sheegeen inay ka go’antahay sii wadida beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabku kala kulmayaan weeraradooda,waxayna sidoo kale Tilmaameen in mar walba la xaqiijinayo sidii aysan wax khasaare ah u soo gaarin dadka rayidka ah ee deegaanada la weerarayo ku nool.
Diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka mid ah Koonfurta iyo

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *