Wasiirka maaliyada Soomaaliya oo baarlamaanka hortagay

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Xukuumada fedraalka Soomaaliya DR Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta hortagay xildhibaanada Golaha Shacabka si uu kaga jawaabo Su’aallaha ku aadan miisaaniyadda dowladda oo baarlamaanka hortaala.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood ka leh ku noqoshada miisaaniyadda sanadeeka qaranka ee sanadkaan 2018-ka.
Xildhibaanada ayaa su’aalo iyo talooyin la xiriira ku noqoshada miisaaniyadda 2018 soo bandhigaya waxaana wasiirka laga doonayaa inuu faahfaahin dheeraad ah xildhiibanada la wadaago.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowlada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa kulanka baarlamaanka ku sugan wuxuuna ka jawaabaya su’aalaha ay xildhibaabada ka qabaan miisaaniyada qaranka taaso oo doodeedu hada si toos ah uga socoto xarunta golaha shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *