Wasiirka duuliska hawada Soomaaliya oo ka hadlay dab ka caya garoonka Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa Maanta wuxuu faahfaahin ka bixiyay dab saakay ka kacay Maqaayad ku taalla Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka waxaa uu sheegay in maqaayadda qeyb ka mid ah ay gubatay,islamarkaana lagu guuleystay in si dhaso ah dabkaasi loo damiyo.
Wasiir Oomaar ayaa Tilmaamay inaysan jirin cid wax ka noqotay dhacadaasi Marka laga reebo qeybo ka mid ah Maqaayadda oo dabka u baa’biyay.
Wasiirka Duulista hawada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in saaka abaara 05:30 oo subaxnimo ay koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka muqdisho sidoo kalena aysan jirin, Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka yaala iyo shaqaalihii ku suagnaa intabada.
Maxamed C/laahi Salaad Omaar wasiirka wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shaqaddii Garoonka ay socoto,islamarkaana aysan wax saameyn ah ku yeelan Shaqaddii duulimaadyadda ee Garoonka Aadan Cadde dhacdadaasi.
Dhanka kale qayb ka mid ah keydka hadalka ee idaacada dowlada ee Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa Iyana saaka qabsatay dab markii danbe lagu guulaystay in gabi ahaanba la damiyo.
kooxaha dab damiska ayaa ku guulaysteen in la damiyo dabkaas daqiiqado kooban kadib sida warbaahinta dowlada Soomaaliya ay shaacisay.
Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Cabdi Fitaax Jeyte ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu wax ka yar 15 daqiiqo ugu soo diray gaadiidka iyo kooxda dab damiska kuwaasi oo suurtagaliyay in si deg deg ah dabkaasi loo damiyey.
Wuxuu intaasi raaciyay inuusan Qasaaruhu badnaayn balse ay socoto tirakoobka ku aadan cajaladaha gubtay ayna dib ka soo sheegi doonaan cadadka qasaarahaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *