Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay dagaalo ka dhacay gobolka Galgaduud

Ayadoo maanta baarlamaanka golaha shacbiga ee dowlada Soomaaliya ay kulan ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaasi baaq nabadeed ka diray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay nasiib daro tahay dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada balanbale ee gobolka Galgaduud.
Wuxu gudoomiyuhu xukuumada fedraalka Soomaaliya iyo maamulka galmudug uu u soo jeediyay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalkaas wax looga qabto.
Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayuu ku baaqay in gurmad caafimaad la gaarsiiyo sidoo kalena wuxuu waxgaradka gobolka ku booriyay inay kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee halkaas ku dagaalamayay.
Shalay ayay ahayd markii deegaanka lagu magacaabo Hardis oo hoos taga degmada Balandbale ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo isku deegaanka masuuliyiinta maamulka galmudug ayaana dhankooda ku baaqay in dirirtaasi la joojiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *