5 ka mid ah ardayda sameynaya imtixaanada KCSE-da oo loo diiday inay sii wataan

Wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa sheegtay in tallaabo laga qaaday 5 ka mid ah ardayda sameynaya imtixaanada qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da oo lagu eedeyay inay waxisdabamarino ku dhaqaqeen.
Waxaa lagala laabtay nambarkii lagu diiwaangeliyay ee u fududeynayay inay imtixaanada u fariistaan.
Arrintan ayaa timid kadib markii dowlada ay sameysay baaritaano lagu xaqiijinaya inay arday sax ah yihiin kuwa imtixaanada ku howlan.
Guddoomiyaha golaha imtixaanada qaran ee KNEC Prof. George Magoha ayaa maamulayaasha xarumaha kala duwan ku booriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Dhanka kale iyadoo maanta uu bilowday gadood shaqo oo ay bilaabeen wadayaasha mataatuuda ayay wasaaradda tacliinta arrinkaasi ka hadashay.
Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Bellio Kipsang ayaa carrabka ku dhuftay in basaska dugsiyada loo ogolyahay inay qaadaan ardayda sameynaya KCSE-da si aynan uga dib dhicin xarumaha ay iskadiiwaangeliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *