Wasaaradda maaliyadda Kenya oo soo saartay shuruuc la xariirta qaadashada deymaha

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa wareegto ay soo saartay ku sheegtay in wasaaradaha dowlada, waaxyaha hoos taga iyo ismaamulada kala duwan aysan lacago amaah ah qaadan karin iyadoo aanan loo ogolaanin.
Wasiirada xoghayayaasha , barasaabyada maamul goboleedyada iyo madaxda waaxyaha ayaa laga doonaya inay u hoggaansamaan amarkan uu soo saaray Mr. Henry Rotich oo ah wasiirka maaliyadda.
Mr. Rotich ayaa wareegtada shaaca uga qaaday in amaahda laga qaato wadamada shisheeye ama hay’adaha caalamiga ay mas’uuliyad gaar ah ka saarantahay wasaaradda uu hoggaamiyo.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo siyaasiyiinta qaar oo uu ka mid yahay madaxa xisbiga ANC, Musalia Mudavadi uu maamulka talada haya ee jubilee ugu baaqay inuu yareeyo deymaha shisheeye ee Kenya ay ka qaadato wadamada uu Shiinaha ka midka yahay.
Hasa ahaate madaxweynaha dalka carrabka ku dhuftay in qaadashada amaahda ay lagama maarmaan tahay si loo kabo gaabadka dhanka kaabayaasha dhaqaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *