Kenya : Wasaaradda maaliyadda oo soo saartay shuruuc la xariirta qaadashada deymaha

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Mr. Joe Mucheru iyo dhigiisa maaliyadda Henry Rotich ayaa lagu wadaa inay berri oo talaado ah hor tagaan baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo fadeexad la sheegay in lagu lunsaday 2.5 bilyan oo shilin.
Fadeexadaasi ayaa laga soo tabiyay wakaaladda dowlada dhexe u qaabilsan arrimaha xeyeysiinta ee (GAA).
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee warfaafinta, isgaarsiinta iyo teknolojiyadda ,William Kisang ayaa hoosta ka xariiqay in marka ugu horeysa Mr. Mucheru uu ka soo hormuuqan doono.
Sido kale guddigan ayaa u yeeray xoghayayaasha isgaarsiinta iyo maaliyadda ee kala ah Fatuma Xirsi iyo Kamau Thuge.
Sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii waaxda GAA ay dhamaan wasaaradaha iyo maamulada hoos taga ay ku amartay inay wixii xayeysiin dowladeed ah ay ku soo hagaajiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *