Ciidamada Israa’iil oo marinka Qaza ku dilay 7 falastiiniyiin ah

Wararka naga soo gaaraya marinka Qaza ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay halkaasi ku dileen 7 qof oo Falastiiniyiin ah.
Howlgaladaasi ayaa lagu bartilmaameedsanayay taliye ka tirsan ururka Xamaas.
Militariga Israa’iil ayaa sheegaya inuu weerarkaasi kaga takhalusay salkaal sare oo ka mid ahaa taliyayaasha Xamaas oo lagu magacaabo Sheekh Nur Baraka .
Waxaa uu taliye u ahaa guutada al-Qassam oo ah garabka Xamaas u qaabilsan magaalada Khan Younis.
Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa dhacdadan ku tilmaamay weerar arxan darro ah oo ay Israa’iil geysatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *