Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya sharciga duulista hawada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa isniinta maanta ah waxay kulan ku yeelanaya xarunta golaha Magalada Muqdisho waxaana horyaala sahrciyo muhiim ah oo ay dib u aqrinayaan.
Ajendaha kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa ah Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista hawada iyo dib ugu noqoshada miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2018.
Maalintii Arbacada ee todobaadkii hore ayaa kulankii Golaha Shacbiga ee loo balansanaa wuxuu u baaqday kooram la’aan,hayeeshee xalay ayaa xildhibaanada lagu wargaliyay inuu Maanta oo Isniin ah jiro kulan kale lagana doonayo inay soo xaadiraan waqtiga lagu balamay.
Wasiirka wasaarada gaadiidka cirka iyo duulista hawada dowlada Fedraalka Soomaaliya C/laahi Salaad Oomaar ayaa xildhibaanada maanta hor tagaya waxaana wax laga waydiinayaa shariciga duulista hawada oo wasaaradiisu ay soo diyaarisay sidoo kalena maanta maraya aqrinta koobaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *