Kenya: Shurucyada Michuki oo dhaqan galaya malinta Isninta

Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i iyo dhigiisa gaadidka James Macharia ayaa waxay ku amreen inay booliiska dhaqan galiyan shurucyada Michuki laga bilaabo malinta Isniinta.
Waxay sheegen in shurucyada aan meesha laga sarin isla markana ay shirkadaha dowlada ay ka shaqeynayaan sidi ay ku xaqiijini lahayen xasilonida wadooyinka.
Tani ayaa imaaneysa iyada oo tirada dhimashada iyo dhawaca ee shilalka ay sare u kaceyso.
In ka badan 2,620 oo Kenyan ah ayaa naftooda ku waayay shilalka wadooyinka Sanadkan Kaliya.
Wasirka ayaa ku amar ku siiyay sarakiisha booliiska inaysan cafin kuwa ku xadgudbaya shurucyada wadooyiinka.
Waxa kalo ku amray booliska in ay gacanta ku dhigan dhamaan baburta aan buuxin shuruudaha laga doonayo ka hor inta aan la kaxeyn.
Mr.Macharia ayaa xusay in la maxkamadynayo darawalka iyo shakhsiga mulkiilaha ka ah babaurka lagu qabto inuu ku xad gudbaya shurcyada wadooyiinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *