Qoyska bilyaneer la waayay oo hal bilyan u ballanqaaday cidii meel ku sheegta

Qoyska bilyaneer lagu magacaabo Maxamad Dewji oo maalmo ka hor lagu afduubtay wadanka Tanzania ayaa markii ugu horeeysay saxaafadda la hadlay.
Waxay xubnaha qoyskaasi sheegeen in afduubka dhacay uu murugo ku reebay sidaasi awgeedna cid kasta oo la wadaagto macluumaad fududeyn karo in laga war helo halka uu ku suganyahay Dewji si loo soo badbaadiyo lagu abaal marinayo hal bilyan oo shilin.
Sido kale qoyskan ayaa sheegay inaysan cid u sii gudbin doonin xogtaasi.
Maxamad Dewji oo u dhashay Tanzania ayaa ah bilyaneerka ugu da’ada yar ee qaaradda Afrika.
Sido kale qoyskiisa ayaa dowlada si gaar ah laamaha ammaanka uga mahadceliyay dadaalada ay wadaan ee lagu raadinayo la haystaha.
Ninkan oo 43 jir ahaa ah agaasimaha guud ee shirkadaha Maxamad Enterprises Limited (MeTL).
Maalinkii khamiista ee toddobaadkii hore ayay magaalada Daresalaam ka kaxeysteen rag ilaa iyo hadda aanan la aqoonsan.
Ilaa iyo hadda ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 30 eedeysanayaal ah oo lala xiriirinayo afduubka loo geystay bilyaneerka hantidiisu lagu qiyaasay 1.5 bilyan oo doolar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *