Dowlada Soomaaliya oo ka hadasahy Taageerada ay Sacuudiga u muujisay

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay sababtii ay taageerada ugu muujisay dalka boqortooyada Sacuudiga Carabiya oo caadis xoogan kala kulmeysa dalalka caalamka kaasoo la xiriira wariyihii la waayay 2 bishaan aan ku guda jirno ee October.
wasiirka wasaarada arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah dowlada Fedraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay u taageereen kadib cadaadis iyo hanjabaadyo ay la kulantay oo qalqalk siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba galiyay balse aaney isu bar-bar taagin arrinta la xiriirta Wariye Jamal Khashoggi oo lagu tuhunsan yahay dalka Sucuudigu inuu dilay maadaama markii ugu danbaysay uu sii galayya Qunsuliyada ay xukuumada Riyadh ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wasiir Cawad oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in markasta dowlada Soomaaliya ay garab tagaan tahay dalalka sida uu sheegay ay walaalaha yihiin ee islaamka,Carbta iyo Africanka ah balse aysan cidna gacan ku siinayn dacadi ama dhibaatayn ay gaysanayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *