Madaxda ammaanka ee waqooyi bari oo kulan la yeelanaya wasiirka arrimaha gudaha

Waxaa maanta la filaya in magaaladatani Nairobi uu ka dhaco kulan ay qeyb galayaan taliyaasha iyo isku duwayaasha ammaanka ee gobolka waqooyi bari .
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sarakiishan isugu yeeray kadib weerar maalmo ka hor ka dhacay dugsiga sare ee wiilasha ee Carabiya ee ismaamulka Mandhera.
Waxaa falkaasi lagu dilay laba macalimiin ah iyadoo bayaan uu soo saaray afhayeenka booliska Mr. Charles Owino lagu sheegay in la aqoonsaday shakhsigii dhibaatadaasi geystay.
Mr. Owino ayaa sheegay in baaritaano iyo howlgalo ay boolisku sameyeen lagu ogaaday in weerarkaasi uu ka dambeeyay Xassan Hodey sarakiisha ammaankana ay weli ku raad joogaan.
Shacabka Kenyaanka ah ayuu dhanka kale ku booriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo ay laamaha kala duwan la wadagaan wax waliba oo ay uga shakiyaan inuu khalkhal gelin karo xasiloonida degaanadooda iyo guud ahaan dalka.
Dr. Fred Matiangi ayaa hoosta ka xariiqay in shirka uu guddoomin doono looga arrinsanayo xal u helidda falalka amni darro ee ku soo noqnoqday degaanada gobolka.
Qoraal uu soo dhigay barta Twitarka ayuu wasiirku ku sheegay in dowladu ay ka go’antahay sidii loo xaqiijin lahaa badqabka dhammaan dadweynaha ku nool dalka.
Sido kale Dr. Matiangi ayaa sheegay inay sii soconayaan howlgalada laga fulinayo xuduudada Kenya ay la wadaagto wadamada dariska la ah gaar ahaan soomaaliya.
Howlgaladaasi ayuu ku tilmaamay kuwo lagu doonayo in kormeer iyo dabagal lagu sameeyo dhaqdhaqaaqa kooxaha gudaha dalka ka geysta weerarada argagixiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *