Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo shacabka ugu baaqay in la daryeelo caruurta agoonta ah

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho EE Caasimada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo booqday Xarunta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan caruurta Agoonta ah.
Guddoomiyaha ayaa xusay in agoontu ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay sidii ay caruurta ku nool Caasimadda, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan maadaama ay qayb ka tahay hormarada uu dalka Soomaaliya hiigsanaayo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xarunta xanaanaynta caruurta agoonta boolsika Soomaaliyeed, waxaana kormeerkiisa ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska S/G Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliye ku xigeenka Booliska Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Taliyeyaasha ciidamada Asluubta iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in caruurta agoonta loo dadaalayo sidoo kalena uu muuqdo mustaqbalkooda wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *