Daadad ka dhacay Nigeriya oo ay ku dhinteen 100 qof

Ilaa iyo hadda , boqol qof ayaa la xaqiijiiyay inay ku dhinteen fatahaado ka dhacay wadanka Nigeriya.
Maamulada dalkaasi ayaa sheegaya in daadadka ay ka dhasheen roobab lixaad leh oo maalmihii la soo dhaafay da’ayay.
Afhayeen u hadlay waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka ee dalka Nigeriya ayaa sheegay in dhimashooyinkaasi laga soo tabiyay 10 gobol.
Waxaa uu intaasi ku daray in khasaaraha ka dhashay daadadka ay suurtagal tahay inuu sara u sii kaco.
Sido kale waxaa la saadalinaya in heerarka biyaha ay sara u sii kacaan oo ay kor u dhafaan heerkii sannadkii 2012-kii, xiligaasi oo fatahaado saameeyay Nigeriya ay ku dhinteen 363 qof halka 2.1 milyan oo kalena ay ku barakaceen.
Waaxda saadasha hawada ee dalkaasi ayaa ka digtay in 12 ka mid ah 36 gobol oo uu wadankaasi ka koobanyahay laga cabsi qabo inay saameyn xooggan soo gaarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *