In ka badan 150 arday oo loo xiray dugsiyada la gubay

Ilaa iyo hadda ugu yaraan 152 arday ah ayaa la soo taagay maxkamadaha kala duwan ee dalka kadib markii lagu eedeyay inay gubeen xarumaha waxbarasho ee ay dhigtaan ama ay falalkaasi isku dayeen.

Waxaa markii hore la xiray 390 arday ah kadib rabashado saameeyay 77 ka mid ah dugsiyada sare ee dalka.

Maamulada kala duwan ee dalka ayaa dhanka kale wacad ku maray inaan marnaba loo dulqaadan karin dhacdooyinka ardayda ay ku burburiyaan hantida dugsiyada.

Sido kale waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo dowlada ee ku aaddan inay xal waara u keento dhibaatooyinka si gaar ah u sameeya waxbarashada dalka.

Sannadihii la soo dhaafay dowlada ayaa si weyn u adkeysay hannaanka imtixaanada qaran ee sanadlaha ah taasi oo la rumeysanyahay inay keentay walaac loo aaneynayo dhacdooyinka dab lagu qabasiiyo qeybo ka mid ah dugsiyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *