Doorasho madaxtinimo oo maanta ka dhaceyso Zimbabwe

Malaayiin ka mid ah shacabka ku nool wadanka Zimbabwe ayaa saaka u dareeray doorasho madaxtinimo oo ay ka qeyb qaadanayaan.

Codeynta maanta dhaceyso ayaa ah midii ugu horeeysay tan iyo sannadii 1980-dii oo uusan qeyb ka ahayn madaxweynihii mudada dheer talinayay Robert Mugabe .

Goobaha codbixinta ayaa la furay 5-tii aroornimo ee saaka saacadda dalkaasina ay ku beegnayd 7-dii subaxnimo waxaana la xiraya 7-da fiidnimo ee caawa.

Ilaa iyo 23 musharax ayaa loolan ugu jiro qabashada xilka madaxtinimo ee Zimbabwe halka kuraasta baarlamaanka ay u tartamayaan musharaxiin ka soo kala jeedo 55 xisbi.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn dalka Zimbabwe uga socday olalaha doorasho hasa ahaate walaac dhanka amniga ah ayaa ka dhashay qarax lala eegtay isu soo bax uu qabtay xisbiga talada haya ee ZANU-PF oo ka dhacay magaalada Bulawayo.

Waxaa doorashada si dhow ula socdo kormeerayaal ka tirsan midowga Yurub iyo dallada wadamada barwaaqa sooranka ah ee loo yaqaano Commonwealth .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *