Madaxweynaha Soomaaliya oo ganacsatada ugu baaqay inay ka qayb qaatana hormarinta dhaqaalaha dalkooda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ganacsatada Soomaaliya ugu baaqay inay ka faa iideystaan dadaalada ay dowladdoodu ku dooneyso inay ku hormariso ganacsiga Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay dadka Soomaaliyeed inay ka faa iideystaan maalgashiga shisheeye dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay in ganacsatada ay fursado u siiso dhamaan qaababka ay ku hormarin karaan dhaqaalahooda.
Waxa uu xusay madaxweynuhu in ganacsatda Soomaaliyeed ay muhiim u yihiin hormarinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka Soomaaliya sidaasi darteedna loogu baahan yahay in fursadaha jira ka faa iideystaan.
Wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la sameeyo Kobac dhaqaalle oo ballaaran si looga baxa ku tiirsanaanta deeqaha caalamka.
Ganacsatadda ayuu xusay inay muhiim u yihiin geedi socodka Maalgashiga Soomaaliya,islamarkaana laga doonaayo inay qaataan doorkooda muhiimka ah ee qorshaha hormarinta dhaqaalaha qaranka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale shacabka wuxuu ugu baaqay inay bixiyaan canshuurta maadaama dalkasta dhaqaalihiisu uu ku dhisan yahay bixitna canshuurta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *