Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay gudiga culimada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen arimo la xiriira sida looga hortagi karo figradaha xagjirka ah iyo sida ay culimada bulshada u wacyi galinkaraan.

Kulankaan oo socda mudo hal saac ka badan ayaa waxaa si aad ah loogaga hadlay doorka ay culimada ee ku aadan ka qayb qaadashada sugida amniga dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa culimada uga warbixiyay howlaha dowladda iyo waxyaabihii u qabsoomay bilihii la soo dhaafay, culimada ayaana dhankooda Ra’iisul Wasaaraha siiyay talooyin la xiriiray dhanka Xajka iyo amniga dalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay Sheikh Cali Wajiis oo ka mid ah culimadaa Ra’isulwasaaraha la kulantay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshayaasha amniga ay ku sugeyso ku biirisay sidii xoogga loo saari lahaa fikradaha la xiriira xagjirnimada iyo qatarta ay geysan karaan dhalinyarada is qarxisa ee ka tirsan Al Shabaab waxayna wadaa dadaalo dhalinyaradaas looga wacyi galinayo figradaha dagaalka taasoo ay culimada Soomaaliyeed u marayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *