Iraan oo dacwad ka dhan ah Maraykanka u gudbisay maxkamada ICJ

Dowlada iiraan ayaa lagu soo waramayaa inay maxkamada caalamiga ee cadaaladda ee ICJ u gudbisay dacwad ay uga cabanayso cunaqabataynta uu Maraykanka saaray.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee iiraan Maxamad Javad Zarif ayaa sheegay inay doonayaan in Maraykanka lagula xisaabtamo tallabadaasi sida uu hadalka u dhigay sharci darrada ah ee uu qaaday.

Qoraal uu soo dhigay barta Twitarka ayuu wasiirku ku sheegay in iiraan ay ka go’antahay in hoggaansanka shuruucda caalamiga ah iyo nidaamka dibloomaasiyadeed.

Waxaa uu intaasi ku daray inay habboontahay in laga tago wax waliba oo lid ku ah ama ku xadgudbaya shuruucda dunida laga isticmaalo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *