Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay soo daabacayso lacag Cusub

Wasaarada Maaliyada dowlada Fedraalka Soomaliya ayaa sheegtay inay meel wanaagsan u marayaan dadaalada lagu doonayo in lagu soo daabaco lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo ay yeelanayso Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Hay’ada lacagta aduunka ay kala hadleen dhamaystirka qorshaha lagu soo daabacayo lacagta Cusub ee shilinka Soomaaliga wajiga koobaad.
Wasiir Bayle oo dalka Belgium kula kulmay masuuliyiin ka tirsan hay’ada lacagtaa duunka ayaa sheegay in sanadkaan gudihiisa la soo daabacayo lacagta Cusub ee Soomaaliya balan qaadkaasna ay ka heleen Hay’ada IMF-ta

Lacagtaan cusub ee la doonayo in hada ay Soomaaliya soo daabacato ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ilaa markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya dhowr iyo Labaatan Sano ka hor,ilaa mudadaasna waxaa dalka Soomaaliya ka jiray dhibaato shilinka Soomaaliga ah,gobolada qaar ee Soomaaliya waxaaba laga diiday qaadashada lacgatii uu dalku lahaa waxaana si weyn loo isticmaalaa lacagta dollar oo qiimahheedu aad u sareeyo guud ahaanba dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *