Home Wararka Maanta Dhalinyaro laga soo daayay xabsiyada Libya oo Muqdisho ku soo wajahan

Dhalinyaro laga soo daayay xabsiyada Libya oo Muqdisho ku soo wajahan

84
SHARE

Qeybtii labaad maxaabiis laga soo daayay xabsiyada dalka Libya ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Soomaaliya oo kiiska arrintaan loo xil saaray.

Safiir Ali Fiqi, ayaa sheegay 13 dhalinyaro Soomaali ah inay garawsadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, islamarkaana ay u dulqaadan waayeen xabsiyada dalka Libya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ku haystay.

Barta xiriirka Bulshada uu ku leeyahay Safiir Ali Fiqi, ayaa wuxuu soo dhigay hadal kooban oo muujinaayay dhalinyaradaasi xabsiyada laga soo daayay iyo sida dowladda Somaliya ay ugu dadaashay.

“Wiilashi ugu horeeyay ee Xabsiyada Tajora iyo Sika ku xirnaa ayaa saaka ka ambabaxey Magaalada Tripoli iyagoo ku si jeeda dhulkoodi hooyo. Waxay marayan TUNIS, Istanbul kadibna Muqdishu, iyadoo ka degi doono Garoonka Adan Abdulle Osman maalinta Arabacada subaxdi. Insha Allah safar Salaama.” Ayuu yiri Amb. Ali Fiqi

Walow marka la eego tirada dhalinyarada Soomaaliyed ee ku xiran xabsiyada dalka Libya ay aad u badan yihiin, ayaa haddana 13 ka mid ah kaliya ogolaatay in dalkooda lagu soo celiyo, halka kuwa kalena ay sheegeen inay ku sii sugnaanayaan dalka Libya.