Home Wararka Maanta Maxaa kala haysta hawsha guriga iyo ragga Soomaalida ee qurbaha ku nool?

Maxaa kala haysta hawsha guriga iyo ragga Soomaalida ee qurbaha ku nool?

103
SHARE

Si weyn ayey isu bedeshay nolosha qoysaska Soomaalida, marka ay tagaan dalalka reer Galbeedka.

Ragga waxay qeyb ka yihiin shaqada guriga, waxayna reerka ka caawiyaan cunto karinta, adeegga suuqa iyo mararka qaar in dhulka la xaaqo ama ay caruurta sii hayaan.

BBC Somali ayaa booqatay qoys Soomaali ah oo degan magaalada Birmingham ee dalka Britain. Waa qoys sidoo kale baraha bulshada ka sameeya wacyi gelin iyo talooyin ay siinayaan lamaanayaasha Soomaalida ah.

Axmed Jowhari iyo xaaskiisa Hibo Cumar waxay dhaleen laba gabdhood, waxayna UK degan yihiin muddo.

Howsha guriga

Axmed Jowhari oo ah tala bixiye arrimaha qoyska, ayaa reerkiisa inta badan uga soo adeego suuqa, wuxuuna ka qeyb galaa karinta cuntada iyo nadiifinta guriga.

Hibo Cumar ayaa sheegtay in seygeeda Axmed ay wax badan oo dhanka nolosha ah isku fahmeen, ayna doonayaan in wax badan oo noloshooda ka mid ah ay wanaajiyaan.

“Shaqooyinka guriga ee sida dabiiciga ah Alle u fududeeyay dumarka Ayaan qabtaa. Axmed wuxuu qabtaa wixii culus oo dhan sida guriga wax ka bedelkiisa iyo adeegga ayuu qabtaa”, ayey tiri Hibo Cumar.

Jowhari ayaa sheegay in sida xaqiiqada ah ay mararka qaar dhacdo inuu quraacda u kariyo una diyaariyo reerka. “Gabdhaheyga inay cunaan quraac aan kariyay way dhacdaa, ayuu yiri.

Maxaa keenay isbedelka?

Ma dhaqanka halkan dalalka reer Galbeedka baa qasab ka dhigay in raga ay guriga ka shaqeeyaan, mise waxaa jiro sababo kale?

Axmed iyo Hibo waxay qabaan in xaaladda dalalkan ka jirto inay sabab u tahay in ragga ay wax ka qabtaan howsha guriga oo reerkooda ay caawiyaan.

Hibo Cumar ayaa tiri: “isbedelka ayaga (qoysaska) ma ahan, balse wuxuu la socdaa meesha ay ku nool yihiin. Qoyska markuu Soomaaliya joogay wuxuu haystay gargaar. Culeys badan haweeneyda kuma dhaceyn, ninkana ma saarnayn”.

“Qoyska wuu ballaaran yahay oo qaraabo badan ayaa ka mid ah. Laakiin marka halkan (Yurub) la joogo isbedelka ugu weyn ee reerka ku dhacay wuxuu yahay; labadii qof keligood bay noqdeen. Xaaskii iyo ninkii qabay cid la joogto malahan.”

Waxay intaa ku dartay “reerku wuxuu ku kooban yahay labadii qof iyo wixii ay dhaleen. Marka culeyskii Afrika yaalay mid ka badan ayaa yimid”.

Sababahaa aawadood, Axmed wuxuu qeyb ka yahay shaqada guriga sida in uu dhulka xaaqo amaba uu mararka qaar uu daahyada ka bedelo qolalka jiifka iyo fadhiga.

Isagoo xaaskiisa ku taageeraya hadalladaas wuxuu yiri: “Markii Afrika la joogay, ma dhici jirin in uu ninka guriga xaaqo amaba jikada galo, in uu ilmaha xafaayadda ka badalo amaba caana uu siiyo”.

Waxay arrintaas kala mid yihiin qoysas badan oo Soomaali ah oo ku nool dalalkan reer galbeedka. Balse marka lagu nool yahay geeska Afrika, way yar tahay in la arko nin xaaskiisa ka caawinaya shaqada guriga

“Maxaa keenay hadaba isbedelka?” ayuu isweydiiyay Axmed Jowhari, wuxuuna isugu jawaabay “Meeshan lagu nool yahay ciriiriga ka jiro ayaa keenay. Maxaa yeelay, cid ku caawineyso oo bannaanka kaaga imaaneyso ma jirto”.

Waana taas sababta ay raga gacan uga geystaan shaqada guriga sida ay aaminsan yihiin dad badan. Sidoo kale Axmed Jowhari oo lamaanayaasha la taliyo wuxuu sheegay in “muran iyo is fahan la’aan arrimahaasi la xiriira ay dhaliyaan in reero badan ay dumaan, marka qurbaha la yimaado”.

Maxay qabtaan lamaanahan?

Axmed iyo afadiisa waxay kamid yihiin dadka baraha bulshada u isticmaala inay wacyi geliyaan dadka ku nool qurbaha, iyo kuwa ku sugan Geeska Afrika, si ay u fahmaan guusha qoyska iyo muhiimadda iscaawinta.

Waxay leeyihiin bogag ay u bixiyeen Guur Farxad leh, waxayna sheegeen inay sameeyaan dadaallo ay isku fahan siiyaan lamaanayaasha iyo casharo qoyska ku saabsan.

Wuxuu Axmed Jowhari sheegay in guurka ka hor xitaa ay dhallinta iyo qofka doonaya in uu aqal galo ay siiyaan talooyinka “Liibaanta qoyska”.

Wuxuu sheegay: Waxaan fahan siinaa “meesha uu dhibka ka imanayo, oo ay tahay in la is kaalmeysto ee aan lagu mashquulin qof”.

Hibo ayaa dhankeeda sheegtay in ahmiyadda uu guurku leeyahay ay tahay. “Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in qofka uusan u baahneyn qofka kale, balse waa taa caksigeeda, oo seyga iyo oorida midba midka kale waa uu u baahan yahay”.