Home Wararka Maanta Agaasimaha DP World : Nama quseeyo hadalka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya

Agaasimaha DP World : Nama quseeyo hadalka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya

64
SHARE

Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa ganafka ku dhuftay shadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah.

“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto”ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Dowladda Federaalka ayaa si kulul uga soo horjeesatay heshiiska Dekeda Berbera, waxaana ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo aan haba yaraatee waxba ka jirin, iyadoo u digtay shirkadaha maalgashiga ee aan soo marin hey’adaha dastuuriga in sharciga lala tiigsan doono.

Khamiistii ina dhaaftay todobaadkii hore ayeey Shirkadda DP World heshiis saddex geesood oo ku saabsan saami qeybsiga Dekeda Berbera kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, heshiiska saamiga ayaa dhigaya in Somaliland hesho 30%, halka Itoobiya ay heleyso 19%, Shirkadda DP World oo dhiseysa Dekeda Berbera ay heleyso 51%.