Home Wararka Maanta Ardayda oo lagu abaalmarinayo in ay taleefoonada dhinac iska dhigaan

Ardayda oo lagu abaalmarinayo in ay taleefoonada dhinac iska dhigaan

82
SHARE

Waxaa lasoo saaray barnaamij cusub oo lagu dhiirogalinayo in ardayda aysan ku mashquulin taleefoonada marka ay waxbaranayaan.

Barnaamijkan oo ku jira taleefoonka, laguna magacaabo Hold ayaa waxaa soo saaray saddex arday oo dhigta Copenhagen Business School, waxaana illaa hadda isla diiwaangaliyay illaa 120,000 arday oo ku kala sugan dalalka Norway, Denmark iyo Sweden.

Qofka waxa uu heleyaa 10 dhibcood 20 daqiiqo kasta oo uusan taleefoonka taabanin laga bilaabo subaxa hore illaa xiliga rawaaxadda.

Marka ay dhibcahaasi uruuraan ayaa waxa uu arday ku iibsan karaa koob bun ah, isaga ka sarifanaya hab barnaamijka ku dhex kaydsan oo ay tageeraan shirkado waaweyn.

Haddii ay kuu uruuraan 300 oo dhibcood oo u dhiganta 10 saacadood, waxaad heleysaa labo koob oo bun ah, waxaa kale oo ay ardayda heli karaan buugaag ay qarashka bixinayso hay’adda UNICEF .

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhibaato balaaran ay ardayda kala kulmaan isticmaalka aaladaha casriga ah, taas oo hoos u dhigta heerkooda waxbarasho iyo xitaa caafimaad ahaan.

Ardayda hindisan cusub keentay ayaa lagu kala magacaabaa Maths Mathisen, Florian Winder iyo Vinoth Vinaya.

Mr Maths ayaa yiri “Aad ayay u adagtahay in aad si wanaagsan wax u barato marka uu gacantaada ku jiro taleefoon oo aad diri kartid fariimo ama ku ciyaari kartid”.