Afrika “kama guulaysan karto macluusha”

Akhbaar si aad ah loo faafaahiyay oo lagu eegay korriimada caruurta iyo waxbarashada qaaradda Afrika oo dhan, waxay muujineysaa in uusan jirin dal Afrika ku yaalla oo awooda in uu soo afjaro macluusha caruurta haysata, marka la gaaro 2030-ka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in dalalka Afrika aysan gaari karin yoolka Qaramada Midoobey ee 2030ka in baabi’inta macluusha.

Waa meesha ay hiigsaneyso Qaramada Midoobey oo u dejisay himilooyiinka horumarinta.

Baaritaanka oo diiradda lagu saaray tuulooyiinka yaryar ayaa muujinaya in dal kasta uu leeyahay ugu yaraan hal gobol oo horumarinaya caafimaadka caruurta, sida lagu daabacay warkeyga arrimaha dabiiciga ah ka hadlo.

Waxaa sidoo kale la eegay laba arrimood oo kala ah korriimada caruurta iyo waxbarashada gabdhaha ka dib marka ay qaangaaraan. Waxaana arrinta oo la baarayay 2000 illaa 2015kii laga sameeyay 51-dal oo Afrika ku yaalla.

Seynisyahannada waxay sheegayaan in labadan arrimood ay muhiim u yihiin in la ogaado sababaha ay caruurta dhalaneysa u dhintaan xilliga foosha.

Isku darka labadan arrimood waxay u wanaagsan yihiin saadaalinta halka bulshada ay ka wanaagsan tahay iyo waxa la illaaway, ayuu yiri Prof Simon Hay oo cilmi baaridda ka qeybgalay.

Prof Hay iyo kooxdiisa waxay kormeereen heerka ay gaarsiisan tahay bulsha kasto oo ku nool deegaannada, iyagoo muujinaya korriimada caruurta iyo halidda waxbarashada guud ahaan Afrika, 15-kii sano ee baaritaanka uu socday.

Farqiga u dhexeeya dalalka Afrika

Waxay shaaciyeen in inta badan dalalka Afrika, sida kuwa ka hooseeya saxaraha Afrika iyo dalalka Bariga iyo Koonfurta in ay muujiyeen waxkaqabashada macluusha balse ma gaarsiisna heerka loo baahan yahay.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen kala duwanaan u dhexeysa dalalka, laakiin marka si faafaahsan loo eego, seynisyahannada waxay sheegeen in dadka maamulka haya ay yihiin kuwa og caddeynta sida tooska ula xiriirto dhaqaalahooda.

Kofi Annan, oo abaalmarinta nabadda horey ugu guuleystay, sidoo kalena ahaan jiray xoghayihii Qaramada Midoobey ayaa amaanay baaritaanka iyo sida loo soo bandhigay qariidad muujineysa dhibaatada ka jirto deegaannada. Wuxuu sheegay “akhbaar wanaagsan la’aanteed in lagu soconayo indho la’aan.

Haddii aadan arkin dhibka, ma xallin kartid ayuu yiri Mr Annan.

Mar uu ka hadlayay kala duwanaanta dalalka, gaar ahaan kuwa ay colaadaha saameeyeen, wuxuu Kofi Annan sheegay in habka loo hagaajiyay akhbaartan ay tahay mid aan caadi ahayn.

Maxaa laga bartay baaritaanka

Xaaladda Afrika weli sidan oo kale oo faafaahsan looma qiimeyn. Prof Hay ayaa sheegay in macluumaadka la soo bandhigi doono “illaa heerka ay awoodaan” taas oo caawin karta in dhaqaale toos ah la siiyo bulshada ugu baahida badan.

“Waxaan si gaar ah u eegi karnaa dadka waxa wanaagsan sameeya iyo casharada aan ka baran karno si aan meelaha kale uga dhaqan gelino,” ayuu yiri.

Mr Annan ayaa sheegay in macluumaadkan ay awood u yihiin dagaalka dheer ee lagula jiro gaajada.

“Waa qalab kale oo aan u baahannahay,” ayuu yiri. “Macluusha lama baabi’in karo, laakiin waxay hoggaamiyayaasha Afrika u fududeynayaan in si istiraatiijiyad leh u howlgalaan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *