Home Wararka Maanta Boqolaal muhaajiriin ah oo xuduuda Maraykanka lagu qabtay

Boqolaal muhaajiriin ah oo xuduuda Maraykanka lagu qabtay

92
SHARE

Dowladda Mexico ayaa sheegaysa in la badbaadiyay oo la qabtay labo boqol oo qof oo muhaajiriin ahaa.

Dadkan ayaa lagu soo waramayaa inay safrayeen biyo iyo cunto la’aan iyagoo saarnaa labo gaari oo kuwa waawayn ah

Waxayna dadkani u socdaalayeen xuduuda koonfureed ee gobolka Taxes iyagoo doonayay inay galaan dalka Maraykanka.

Labo gaari oo kuwa waawayn ah ayay dadkani saarnaayeen oo lagu soo dhexqariyay waxaana la sheegay inuu xaalkoodu aad u liitay.

Dadkan muhaajiriinta ah ayaa ka kala yimid wadamada Honduras, Guatemala iyo El Salvador

Sadax qof ayaa loo xiray oo looga shakisan yahay inay dadkani safrinayeen kuwaasoo ahaa muqalasiin dadka safriya

Bishii la soo dhaafay waxaa sidoo kale la qabtay dad ka badan boqol qof oo iyagana haajirayay

Kumanaan qof ayaa u safra dalka Maraykanka kuwaasoo sharci la’aan ku doonaya inay wadankaasi ku gallaan.