Home Wararka Maanta Ruushka oo gaashaanka u daruuray siyaasadda nukliyeerka ee Mareykanka.

Ruushka oo gaashaanka u daruuray siyaasadda nukliyeerka ee Mareykanka.

67
SHARE

Xukuumadda Moscow ayaa gaashaanka u daruurta siyaasadda nukliyeerka ee ugu dambaysay ee Mareykanka uu ku dhawaaqay taas oo ay ku tilmaantay inay tahay mid ka dhan ah Ruushka isku dhacna keeni karta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Mareykanka uu isku dayayo inuu Ruushka ku eedeeyo xiisadahan sii kordhaya, halka Moscow-se ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u xaqiijiso ammaankeeda.

Hasayeeshee waxa ay wasaaraddu intaa ku dartay inay sii wadi doonto in xal wadaag ah loo helo sii joogtaynta deganaanshaha xaaladda nukiliyeerka dunida.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay doonayso inay casriyeyso hubkeeda nukliyeerka hub kale oo cusubna ay sameyso taas oo ay uga jawaabayso qaabka uu Ruushka ku ballaarinayo awooddiisa milateri, iyo weliba cabsida sii kordheysa ee nukliyeerka ee uu waddankaasi ku hayo wadammada ay Mareykanku xulafada yihiin.