Home Wararka Maanta Ajaanib lagu dhaawacay weerrar ka dhacay Talyaaniga

Ajaanib lagu dhaawacay weerrar ka dhacay Talyaaniga

69
SHARE

Ugu yaraan hal nin oo hubaysan ayaa waxa uu gaari uu watay rasaas uga soo furay dad marayay wadada hareeraheeda magaalada Macerata ee bartamaha waddanka Talyaaniga, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in afar qof halkaasi ay ku dhaawacmeen.

Toogashada ayaa waxa ay ka dhacday qeyba kala gadisan oo ka tirsan magaalada, oo ay ka mid tahay meel u dhaw xarunta tareennada laga raaco ee magaaladaasi sida uu ku warramayo TV-da qaranka ee Rai.

Xafiiska Maayirka magaalada ayaa fariin uu soo dhigay barta Twitterka waxa uu dadka uga digay in aanay guryaha ka soo bixin weerarka dhacay awadii, kaas oo la rumaysan yahay inuu sii soconayo.

Laba qof ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhexjiraan gaariga dhexdiisa.

Wararka qaar ayaa tirada dhaawaca waxa ay ka dhigayaan ilaa lix qof, hasayeeshee middaasi si rasmi ah weli looma xaqiijin.

Wararka laga helayo gudaha magaalada ayaa sheegaya in dadka la weerraray ay yihiin dad muhaajiriin ah.

Rasaas ayaa laga maqlayay xaafadaha Via Spalato iyo Via dei Velini ee magaalada, halkaas oo uu ka socday baaritaan ku aaddan dilka gabar 18 jir ah taas oo maydkeeda Arbacadii laga helay xaafadahaas.

Dilka gabadha ayaa waxaa loo soo xiray nin waddanka Nigeria u dhashay.

Wararka gudaha laga helayo ayaa isku xiriirinaya labada dhacdo.