Home Wararka Maanta Trump oo 7,000 qaxooti Suuriyaan ah u fasaxay in ay Mareykanka sii...

Trump oo 7,000 qaxooti Suuriyaan ah u fasaxay in ay Mareykanka sii joogaan

57
SHARE

Maamulka madaxwayne Trump ayaa kordhiyay waqtiga kumeelgarka ah ee ku dhawaad 7,000 oo ah qaxootiga Suuriya ee ku nool Mareykanka ay halkaasi soo joogi karaan, xilli uu wali dalkooda ka socdo dagaal.

Dadkani ayaa waxay soo hoos galayaan barnaamijka bina’aadanimada ee sida kumeel gaarka ah loogu difaacayo xaaladda qaxootigan.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa meesha ka saaray barnamijka difaacidda kumeelgaarka ah ee dhowr wadan bilooyiinkii ugu dambeeyay ,kaasi oo saamaynayay muhaajiriinta ka imanaya dalalka El Salvador, Haiti iyo Nicaragua.

Balaarinta arrintani ma saamynayso qaxootiga cusub ee reer Suuriya.

Qaxootiga Suuriyaanka ee mar hore ku sugnaa islamarkana ka shaqaynayay Mareykanka ayaa waxa loo kordhiyay muddo 18 bilood ah oo ay sii joogi karaan kana sii shaqaysan karaan Mareykanka.

Balse qaxootiga Suuriya ee Mareykanka soo galay wixii ka dambeeyay bishii August 2016 ayana ku jirin barnaamijkan.

Sharcigani sida kumeel gaarka ah ay dadka qaxootiga ku sii joogi karaan Mareykanka ayaa waxaa la ansixiyay 1990, waxa uuna dadka magacgalya doonka ah u ogolaanayaa in si sharci ah ay ugu noolaadaan ugana shaqaystaan Mareykanka.

Shracigani ayaa waxaa loo adeegsadaa boqolaal kun oo qof oo ka yimid dalal ay dagaalo ama musiibooyiin dabiici ah ka jiraan.