Home Wararka Maanta Siyaasiyiin ka dibad baxay Muslimiin ku tukanayay goob fagaar ah.

Siyaasiyiin ka dibad baxay Muslimiin ku tukanayay goob fagaar ah.

22
SHARE

Ku dhawaad 100 ka mid ah siyaasiyiinta Faransiiska ayaa isugu soo baxay wadooyiinka magaalada ku taalla duleedka Paris iyaga oo ka cabanaya dad Muslimiin oo ah salaadii jimcaha ku tukaday goob fagaara ah.

Siyaasiyiintan oo xirnaa dhar leh midibo kala duwan ayaa waxa ay ku luuqaynayeen heesta astaanta qaranka .

Dadkan dibad baxa dhigayay ayaa waxa ay carqaladeeyeen dad muslimiin ah oo dhan 200 oo qof oo ku tukanayay fagaara ku yaalla Clichy.

Booliiska ayaa kala dhex galay labada dhinac balse waxaa dhacay isku dhac kooban.

Dadka ka soo horjeeda in dadkani ay halkaasi ku tukadaan ayaa waxay ku doodeen in ay tahay mid aan la aqbali Karin in la isticmaalo goob fagaara ah iyada oo Faransiiska uu yahay dal ku dhisan nidaam cilmaani ah.

“Goobaha dadwaynaha loolama wareegi karo sidan,” waxaa sidaasi sheegtay Valérie Pécresse, oo ah madaxa golaha gobolka Paris.

Dad Muslimiin ah oo ku tukanaya goob barxad ah

 

Valérie Pécresse ayaa hogaaminayay madax ka tirsan dowladda hoose iyo xildhibaano intooda badan ka soo jeeda garabka midiga fog iyo xisbiyada UDI.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadka dibad baxa dhigayay duqa magaaladaasi Rémi Muzeau oo wasaarada arrimaha gudaha ugu baaqay in ay mamnuucdo in dadka ay ku cibaadaystaan fagaarayaasha.

Hasa yeehsee Muslimiintii goobta fagaaraha ah ku cibaadaysanayay ayaa waxay sheegeen in aysan haysan goob ay ku tukadaan maadaama goobtii ay ku tukan jireen ay bishii March la wareegtay dowladda hoose.

Dalka Faransiiska ayaa waxaa ku nool 5 milyan oo Muslimiin ah, waana wadanka Muslimiinta ugu yar ay ka noolyihiin galbeedka Yurub.