Home Wararka Maanta Mareykanka iyo K/Koonfureed oo samaynaya dhoolatus militari.

Mareykanka iyo K/Koonfureed oo samaynaya dhoolatus militari.

21
SHARE

Dhoolatus ay si wadajir ah u samaynayaan ciidamadda Badda Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ka bilaabanaya galbeedka Pacific.

Dhoolatuskan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qayb qaadanaya afar Markab oo ah kuwa xanbaara diyaaradaha oo ay Mareykanka leeyihiin.

Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxwayne Donald Trump sii wado booqashada uu ku marayo dalalka Eeshiya.

Trump ayaa horey uga digay Kuuriyada Waqooyi in ay sii wado balaarin hubkeeda Niyukleerka.

Sargaal u hadlay wasaarada gaashaandhiga Kuuriyada Waqooyi ayaa si cad u sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid lagu muujinayo in looga hortago fal walba oo daandansi ah oo ka yimaada Kuuriyada Waqooyi.

Xukuumadda Pyongyang ayaa u aragta dhoolatus kasta oo ay si wadajir ah u sameeyaan Mareykanka iyo Kuuriya Koonfureed in uu yahay mid loogu diyaar garoobayo dagaal.

Madaxwayne Trump ayaa dhawaan markii uu booqashada ku tagay Kuuriyada Koonfureed waxa uu sheegay in Mareykanka ay iska difaaci doonaan khatar waliba oo uga timaada Kuuriyada Waqooyi.