Home Wararka Maanta Hawenay Faaransiis ah oo afduub been ah sheegatay si ay jacaylkeeda ula...

Hawenay Faaransiis ah oo afduub been ah sheegatay si ay jacaylkeeda ula joogto.

18
SHARE

Maxkamad ku taalla Faransiiska ayaa lix bilood oo aan isla markaaba dhaqan galaynin ku xukuntay haweenay sheegatay afduub been ah si ay u aragto jacaylkeeda.

Caadiyan xukunka noocaas ah ayaa dhaqan gala haddii qofku uu khalad kale gaysto.

Sandy Gaillard oo 25 jir ah una ol’olaysa xisbiga garabka midig ee fog ee National Front ayaa aad loo raadiyay iyadoo baadigoobkeeda ay ka qaybqaateen 50askari iyo diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah sida ay maxkamaddu dhagaysatay.

Ninkeeda ayay caro ku kala maqanyihiin waxayna la noolayd saaxiibkeed balse waxay qorshaysay in ay nin saddexaad oo kale aragto.

Waxaa lagu ganaaaxay 5,800 oo doolar waxaana la amray in ay u tagto dhakhtar cilmi nafsiga ku takhasusay.

Gaillard saaxiibkeed ayaa booliiska ku wargaliyay in la afduubtay ka dib markii ay u soo dirtay fariin qoraal ah oo ay ku sheegayso in la haysto oo ay ku dhex jirto baabur madaw qaybtiisa dambe ee alaabada lagu rido, sida loo sheegay maxkamad ku taalla magaalada Mende.

Markii 24 saac la baadigoobayay ayaa la arkay iyadoo wax walwal ah uusan ka muuqanin, waxayna sheegtay in dadkii afduubtay ay go’aansadeen in ay iska sii daayaan.

Hadallo is dabo marmarsan ayay sheegtay taas oo horseeday in ay dawladu ka sii shakido.

Markii ay booliisku su’aalo sii waydiiyeenna waxay qiratay in ay sheekada samaysay si ay qof ay jeceshahay wakhti ugula qaadato Le Puy-en-Velay sida maxkamadda loo sheegay.

Waxay sheegtay hadda in ninka cusub ee ay jeceshahay uu qayb ka ahaa arrintan.