Home Wararka Maanta Australia oo ku baaqday in qaxootigu uu ka baxo xerada Papau New...

Australia oo ku baaqday in qaxootigu uu ka baxo xerada Papau New Guinea.

19
SHARE

Ra’isal wasaaraha Australia ayaa u sheegay lix boqol oo nin oo diiday in ay ka tagaan xero ku taal Papau New Guinea oo dalkiisu ku hayn jiray dadka magan gelyadada ka doonaya wadankiisa in ay kaga baxaan xeradaas muddada loo qabtay oo ku eg Sabtida berrito ah oo ay aqbalaan in la geeyo xerayaha kale ee ku yaalla jasiiradda Manus hadii kale khasab lagaga kaxayn doono goobtaas.

Xarunta ay Australia ku hayso dadka magangalyo doonka ah ee ku taalla jasiiradda Manus oo dalkeeda ka baxsan ayaa albaabada loo laabay toban maalmood ka hor, iyadoo laga goostay biyihii, cuntadii iyo korontadiiba.

Maamulka deegaankaasi ayaa shalay ku goodiday in xoog loogaga saari doono dadka haddii aysan bari ka bixin halkaas.

Ra’iisulwasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa sheegay in ay tahay in raggaasi ay u hoggaansamaan sharciga.

Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda oo Australia ku sugan ayuu ku eedeeyay in ay dadkaas ku dhiirigalinayaan in ay halkaas sii joogaan inkastoo ay xaaladda halkaasi aad u liidato.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa cambaaraysay sida dadkaas loola dhaqmay, waxayna ku baaqday in deegaamayn cusub loo sameeyo