Senetarada Republican-ka Mareykanka oo si cad hadal ugu weeraray Trump

Laba ka mid ah senetarada xisbiga Republican-ka Mareykanka ayaa wax ay si cad madaxweynaha ugu weerareen hadal, waxa ayna ku eedeeyeen madaxweyen Trump inuu burburinayo dimoqaraadiyada dalka iyo sumcada uu ku leeyhaya caalamka.

Jeff Flake – oo ah senetarka Arisona ayaa sheegay inuusan u tartameynin xilkaasi maadaama uusan dooneyn inuu qeyb kasii ahaado waxa uu ugu yeeray dabeecada ku dhisan taxadar la’aanta iyo sharaf xumada ka jirta Aqalka Cad.

Kol sii horreysay, Senetor Bob Corker oo Aqalka Cad ku matala oo sidoo kale iscasilaya ayaa ku tilmaamay madaxweyne Trump inuu yahya hoggaamiye aan run aqoonin.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegtay in labadan senetar aana dib loo soo dooraneyn, madaxweyne Trump-na uu ka cod badnaa labadoodaba.

Mucaaradadan ayaa waxaa suuragala in ay Mr Trump ku adkeyso hirgalinta qorshihiisa sharci dejinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *