Aqalka sare ee dalka oo u yeeray barasaabka Mombasa

Xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa casuumay barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xassan Joho iyo guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaankaasi Aharub Khatri.
Labadan mas’uul ayaa la doonaya inay faahfaahin ka bixiyaan khilaafka soo kala dhex galay golaha fulinta iyo wakiilada laga soo doortay deegaanada hoose.
Dhawaan ayay ahayd markii koox u ololeysa arrimaha bulshada ay billaabeen geedi socod ku addan sidii loo kala diri lahaa dowladda ismaamulka Mombasa.
Sido kale xisbiga ODM ayaa kulan ugu baaqay 14 wakiilo oo ku matalo golaha sharci dejinta Mombasa.
Kulankan ayaa talaadada lagu qabanaya Nairobi halka wakiilada dowlad deegaankaasi ay dhanka kale isla maalinkaasi ka doodayaan mooshin ku aaddan in xil ka qaadis lagu sameeyo wasiirka gaadiidka ee Mombasa Tawfiq Balala.
Cali Xassan Joho iyo Aharub Khatri ayaa labaduba ka soo hor muuqan doono guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha dowlad wadaajinta.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *