Aqalka sare ee Maraykanka oo maanta u codeynaya qaraar ku saabsan howlgalka militari ee Yemen

Xubnaha aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa maanta la filayaa inay cod u qaadaan qaraar ku aaddan in xukuumada Washington ay soo afjarto tageerada ay siiso isbeheysiga militari ee Yemen.
Isbeheysigan oo uu Sacuudiga hoggaamiyo ayaa dagaal kula jiro kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen.
Sharci dejiyaasha Maraykanka ayaa madaxweyne Donald Trump cadaadis ku saaraya inuu sii xoojiyo siyaasadiisa ka dhanka ah boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Maaamulka Trump ayaa lagu dhaliilay inuunan si adag uga fal celin dilkii wariye Jamal Khashoggii ee lagu eedeyay Sacuudiga in kastoo ay iska fogeysay.
Senator Bernie Sanders oo ka tirsan aqalka sare ee Maraykanka ayaa howlgalada militari ee ka socdo Yemen ku tilmaamay musiibo baniaadanimo ee dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in sannadkii tagay toddobaad kasta gudaha Yemen lagu dilayay ama ay dhaawacyo soo gaarayeen 100 qof oo shacab ah.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *