Sii hayaha xilka agaasimaha shirkadda KEBS oo maxkamadda looga yeeray

Ku simaha xilka agaasimaha guud ee shirkadda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS Mr. Bernard Nguyo ayaa looga yeeray maxkamadda si uu uga soo hor muuqdo 12-ka bishan maarso ee aan ku guda jirno.
Waxaa laga doonaya inuu faahfaahiyo sababta aanan lagula xisaabtami Karin inuu dafiray amar maxkamadeed.
Amarkaasi ayaa ahaa inuu baaritaan ku sameeyo bacrimin lagu qabtay dekadda Mombasa ee gobolka xeebta.
Garsoore Kennedy Cheruiyot ayaa sheegay in agaasimaha KEBS ay khasab tahay inuu caddeeyo sababta uunan u dhaqangelin amarkii maxkamadda ay soo saartay 15-kii bishii jannaayo ee sannadkan.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *