Duuliyihii Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Kenya Oo Shil Ku Dhintay

War Goor Dhow Na Soo Gaaray Ayaa Sheegaya Inuu Shil Ku Dhintay Duuliyihii Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka William Ruto ,Captain Mario Magongahas Kaddib Burbur Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Ismaamulka Turkana.
Xildhibaanka Deegaanka Koonfurta Kitutu Chache ,Richard Onyonka Oo Ka Mid Ah Ehelada Duuliyaha Ayaa Arrinkan Warbaahinta U Xaqiijiyay.
Waxaa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Diyaaradda Ay Luntay Galinkii Dambe Ee Shalay Xilli Ay Ku Dhawayd Harada Turkana .
Xildhibaanka Ayaa Intaasi Ku Daray In Howlgal Baadigoob Ah Kaddib Burburka Diyaaradeed Iyo Meeydka Duuliyaha La Soo Helay 2-Dii Habeenimo Ee Xalay.
Ilaa Iyo Hadda Ma Cadda Sababta Keentay Burburka Diyaaradeed Waxaa Uuna Mr .Onyonka Maamulka Duulimaadyada Ee KCAA Ugu Baaqay Inuu Dhacdadan Baaritaan Ku Sameeyo.
Waaxda Qaran Ee Adeegga Booliska Ayaa Qoraal Ay Soo Dhigtay Barteeda Rasmiga Ee Twitarka Ku Sheegtay In 8-Dii Fiidnimo Ee Xalay Diyaarad Ay Ku Burburtay Turkana.
Waxaa Bayaanka Booliska Lagu Xusay Inay Dhinteen 5 Qof Oo Saarnaa Waxayna Isugu Jiraan 4 Ameerikaan Ah Iyo Duuliye U Dhashay Kenya.

Author: STN News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *